King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

Click here to email us

Subscribe to Free Email Alerts!

Click here to learn more

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Communicable disease facts » Busbuska (Varicella)

Communicable Diseases and Epidemiology
Busbuska (Varicella)

gray bullet

WAA MAXAY BUSBUSKA?

gray bullet

CALAAMAADKA

gray bullet

SIDEE BUU KU FAAFAA?

gray bullet

GARASHADA CUDURKA

gray bullet

KA HORTAGGAN

gray bullet

MAXAAN SAMEEYAA HADDII AAN KA AG DHAWAHAY QOF QABTA BUSBUSKA?

gray bullet

WAA MAXAY INFAKSHANKA SHINGLES?


WAA MAXAY BUSBUSKA?

  • Busbuska (varicella) waa cudur firiiric wata kaasoo uu keenay fayruska varicella-zoster.  Carruurta badankood,  busbuska waa mid u fudud.

  • Busbuska waxaa uu infakshannoo iyo dhibaatooyin lixaad leh u geysan karaa dhallaanka, dadka weyn iyo shaqsiyaadka uu difaaca jidhkoodu yar yahay. 

  • Dhibaatooyinka busbuska waxaa ka mid ah nuumooniya (xanuunka sambabaha gala oo fayruska keeno) iyo infakshannada baaktiiriyada maqaarka, lafaha, marriinka dhiigga, kala goysyada iyo murqaha, iyo infakshanka maskaxda gala.

CALAAMAADKA

  • Busbuska waxaa uu leeyahay calaamaad firiiric cuncun leh,  “firiirica busbuska”, waxaa uu ku billaabmaa nabarro, kaddibna dheecaan yeesha kuwaasoo qalala oo bugsada 4­5 cishood gudahooda.

  • Firiirica ayaa ah calaamadda ugu horreysa ee lagu garto cudurka

  • Xummad yar, madax xanuun iyo daal badan ayaa lagu yaqaan.

  • Qof qaba infakshanka waxaa uu jidhkiisa ku qabi karaa nabarro u dhaxeeya in yar illaa iyo in ka badan 500

  • Carruurta, busbuska waxaa uu badanaa ku noqdaa cudur socda 5-10 cishood kaasoo keena 5 am ar 6 cishood in ay dugsiga ama xanaanada ka maqnaadaan.

SIDEE BUU KU FAAFAA?

  • Busbuska aad baa la isaga qaadaa waxaana uu ku faafaa iyadoo la taabto nabarrada firiirica ee qofka qaba busbuska ama dheecaanka ka imaanaya afka ama sanka qofka qaba infakshanka (tusaale ahaan, marka uu qof qaba infakshanka uu hindhiso ama qufaco).

  • Busbuska waxaa kaloo uu ku faafi karaa marka la taabto dharka ama gogosha uu gaaray dheecaanka nabarrada firiirica ama afka ama sanka qofka qaba infakshanka.

  • Busbuska waxaa uu ku kordhaa 10­21 cishood kaddib marka la taabto qof infakshanka qaba.

  • Busbuska waxaa uu qaataa 1­2 cishood inta u dhaxeysa soo bixitaanka nabarrada firiirica leh iyo mark ay bugsoodaan (caadiyan gudaha 5 cishood laga billaabo marka ay nabarrada soo baxaan).

  • Dadka uu difaaca jidhkoodu yar yahay oo uu busbuska ku dhaco waxaa laga yaabaa in ay muddo dheer ku qaadato si nabarrada ay u bogsoodaan.

  • Qiyaastii 90% dadka qoysaska ka tirsan ee uusan busbuska ku dhicin waxaa ay qaadaan haddii ay ka ag dhow yihiin xubnaha qoysaska uu infakshanka hayo.

GARASHADA CUDURKA

Busbuska waxaa caadiyan lagu gartaa calaamaadka ka soo baxa nabarrada firiirica leh  qofka aan hore u qabin busbuska ama hore looga talaalin. Baaritaannada shaybaarka ayaa xaaladaha qaarkood loo adeegsan karaa si loo xaqiijiyo garashada cudurka.

KA HORTAGGAN

  • Tallaalka busbuska (varicella) aad ayuu ka hortagga busbuska iyo dhibaatooyinkiisa ugu fiican yahay.

  • Tallaalka waxaa lagula talinaayaa carruurta da’doodu gaarto 12 bilood iyo ka weyn iyo qaangaarka iyo waayeelka uusan hore busbuska ugu dhicin ama laga tallaalin.

  • Tallaalka busbuska (varicella) waxaa uu difaaciisu gaarayaa 10 sanadood iyo ka badan.

  • Waa dhif, balse busbus dhibaatadiisu yar tahay aya laga yaabaa in uu ku dhaco qof hore looga tallaalay busbuska.

  • Dadka qaarkood oo uu difaaca jidhkoodu yar yahay ma aha in ay iska tallaalaan.  Caruurta dadka weyn ee uu qaab difaaca jidhkoodu uu yar yahay (iyadoo ay ugu wacan tahay cudur ama dawo) waa in kala tashadaan takhtarkooda inta aanney iska tallaalin busbuska (tallaalka varicella). 

MAXAAN SAMEEYAA HADDII AAN KA AG DHAWAHAY QOF QABTA BUSBUSKA?

  • Tallaalka busbuska (varicella) ka hor, dadka weyn badankiis waa uu ku dhacay busbuska – dadka weyn ee Mareykanka ah badankood waa uu ku dhacay.

  • Haddii uu busbus kuugu dhacay ama lagaa tallaalay difaac ayuu jidhkaaga u sameysanayaa si uusan mar dambe kuugu dhicin. 

  • Haddii aadan hubin haddii uu busbus kuugu dhacay, dhiiggaaga ayaa laga baari karaa haddii aad qabtid difaaca varicella. Natiijad siyaado ah macnaheedu waa adigoo difaac (ka badbaaday) mana aad qaadeysid busbuska.  Natiijad naaqus ah macnaheedu waa adigoo qaadi kara busbuska waana in aad tixgelisaa in aad iska tallaasho varicella.

  • Haddii aadan  difaac u laheyn busbuska oo aad ka ag dhawdahay qof qaba infakshanka, waxaad uga hortagi kartaa adigoo 3 cisho gudahood iska tallaala varicella kaddib goorta aad ka ag dhawaato qofka qaba. 

  • Haddii lagaa tallaalo 5 casho kaddib goorta aad qofka qaba ka ag dhawaato, waxaa lagaa yaabaa in uu kuugu dhaco busbus dhibaatadiisu yar tahay.

  • Dawada loo yaqaan Varicella-zoster immune globulin (VZIG) waa dawo wadata heerar sare ee difaaca busbuska (varicella).  VZIG waxaa lagula taliyaa marka uu ka og dhaw yahay qof busbuska dad ay aad ugu sarreysa halista dhibaatooyinka (sida dadka difaacoodu halis ku jiro (immunocompromised), haweenka uurka leh, iyo carruurta dhiciska ah.)
  • VZIG waa uu ka duwan yahay tallaalka varicella iyadoo uu VZIG si ku meel gaar ah u difaacayo busbuska.

  • Carruurta busbuska qaba badankood ma u baahna dawadani.  Takhaatiirta waxaa ay isticmaali karaan dawooyinka si ay u daweeyaan kiisaska busbuska qaarkood ee dadka caafimaadkoodu fiican yahay iyo kuwa difaacoodu halis ku jiro (immunocompromised ) oo ay ku jiraan dadka qaba kansarka, HIV/AIDS, ama qaata dawooyin hoos u dhigaya qaab difaaca jidhka.

WAA MAXAY INFAKSHANKA SHINGLES?

  • Infakshanka Shingles waa nabarro firiiric meel kooban ku yaal kuwaasoo ka dhasha fayruska busbuska (varicella-zoster) oo dib ugu dhaca qof uu busbuska hore ugu dhacay.

  • Infakshanka Shingles waxaa uu ku dhacaa dadka weyn, sanooyin kaddib marka uu infakshanka busbuska ku dhaco.

  • Firiirica waxaa uu wataa nabarro salkoodu guduudan yahay kuwaasoo raaca khadka dareennada dheefiya goobta, caadiyan hal dhinac ee jidhka.

  • Dheecaanka nabarrada waxaa ay wadan karaan fayruska varicella-zoster.

  • Infakshankta Shingles waa la kala qaadaa illaa ay nabarrada ka qallalayaan.

  • Haddii uu hore busbuska kuugu dhacay, qof kale nabarradiisa firiirica kuma ay gaarsiin karaan infakshanka.

  • Haddii uusan busbuska hore kuugu dhicin, aadna ka ag dhawdahay qof qaba infakshanka shingles waxaa laga yaabaa in uu busbuska kuugu dhaco.

Si aad macluumaad dheeri ah uga heshaa varicella iyo cudurrada la iska tallaalo, kala xiriir Barnaamijka Ka Hortagga Cudurrada ee Caafimaadka Dadweynaha - Seattle & King County (Public Health-Seattle & King County Communicable Disease Epidemiology Program) (206) 296-4774 .

Updated: Sunday, February 12, 2006 at 10:48 AM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.