King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Disaster response » Sunta Carbon monoxide

Disaster response
Sunta Carbon monoxide

gray bullet

Waa maxay carbon monoxide?

gray bullet

Waa maxay calaamaadka lagu garto sunta carbon monoxide?

gray bullet

Sideen uga hortagi karaa suntan carbon monoxide?

gray bullet

Waxa la sameynayo haddii aad ka shakiso in qofi uu ku sumoobay carbon monoxide?


Waa maxay carbon monoxide?

Carbon monoxide-ku waa sun aan ur lahayn ee aan la arki karin oo daqiiqado qof ku dili karta. Carbon monoxide waxaa uu ka dhashaa marka shidaal gaas, saliid, kerosene, alwaax, ama dhuxul la shido. Haddii qalabka shidaalka ku shaqeeya si fiican loo dayactiro loona isticmaalo, cadadka carbon monoxide ee ka soo baxaya caadiyan ma aha mid halis keeni kara. Boqolaal qof ayaa shil ahaan ugu dhinta sanad walba suntan carbon monoxide ee ka dhalata qalabka aan si habboon loo isticmaalin amaba halaysan. Xitta dad dheeraad ah ayaa ku dhinta carbon monoxide ka dhasha gawaarida la cidleeyo. Carbon monoxide si dhaqsiyo ah ayuu u tarmi karaa isagoo saameynaya dhibbanaha ka hor inta aanney saacidaad helin.

Mar haddii la neefsado, carbon monoxide:

  • Waxaa uu yaraynayaa awoodda uu dhiigga ku qaado oxygen-ta;
  • Waxaa uu gaysan karaa dhaawac maskaxeed oo joogta ah;
  • Waxaa uu keeni karaa shaf xanuun ama wadnaha oo istaaga dadka wadnaha ka buka.

Waa maxay calaamaadka lagu garto sunta carbon monoxide?

  • Madax Xanuun
  • Dawaqsanaan
  • Daal
  • Daciifnimo
  • Wareer
  • Lalabo

Sideen uga hortagi karaa suntan carbon monoxide?

  • Marnaba dhuxusha ha ku shidin aqalka gudihii, teendhada, gawaarida la seexdo, gawaarida vans, gawaarida trucks (dusha ka furan), geerishyada, ama guryaha dhaqaaqa. Ha ku shidin dhuxusha goobta dabka lagu shido ee aqalkaaga.
  • Weligaa ha ku isticmaalan gudaha qalabka shidaalka ku shaqeeya. "Hawo fiican" ayaa loo baahan yahay marka la isticmaalayo qalabka ku shaqeeya shidaalka. Dhib ayeey noqon kartaa garashada inta hawo ee “habboon”; sidaa awadeed, marwalba qalabkani ku isticmaal dibedda!
  • Marna ha isticmaalin foornada gaaska si aad aqalka u diirisid.
  • Marna gaari cidla ha uga tegin geerish dhexdiisa, xittaa haddii uu albaabka geerishka furan yahay.
  • Marna ha seexanin qol adigoo isticmaalaya kuleyliye kerosene ku shaqeeya ama gas.
  • Xaqiiji in dhuumanka uu qaaca ka baxo ee aqalka aanney xirneyn oo xaaladdoodu wanaagsan tahay.
  • Qalabka saliidda iyo gas-ka ku shaqeeya iyo goobta dabka lagu shito ee aqalka iyo foornada in uu eego sanad waliba khabiir ku takhasuusay.
  • Qalabka ka diga Carbon monoxide waxaa ay keeni karaan badbaado dheeraad ah, balse ma aha in ay beddelaan tallaabooyinka ka hortagga kale.

Waxa la sameynayo haddii aad ka shakiso in qofi uu ku sumoobay carbon monoxide?

  • Qofka si dhaqsiyo ah u gee meel hawo leh.
  • Waxaad qofka geysaa cusbitalka una sheeg in aad ka shaki qabto in uu ku sumoobay carbon monoxide.

Updated: Friday, December 22, 2006 at 09:53 AM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us. Because of confidentiality concerns, questions regarding client health issues cannot be responded to by e-mail. Click here for the Notice of Privacy Practices. For more information, contact the Public Health Privacy Office at 206-205-5975.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.