King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Disaster response » Hypothermia (in Somali)

Disaster response
Sidee looga hortagaa hypothermia (jidhka oo qabooba)

gray bullet

Waa maxay hypothermia?

gray bullet

Waa maxay calaamaadka hypothermia?

gray bullet

Maxaan sameeya haddii uu qofi qabo hypothermia?

gray bullet

Sideen uga hortagi karaa hypothermia?


Waa maxay hypothermia?

Hypothermia waa marka uu jidhka qof uu ka qaboobo sida caadiga ah. Tani waxaa ay ka timaadaa ka taxaddir la’aanta cimilada qabow. Carruurta yar iyo waayeelka ayaa aad ugu fudud in ay qabato hypothermia marka cimilo qabow ay u baxaan.

Halista iyo heerka hypothermia waxaa uu si toos ah ugu lug leeyahay dharka qoyan, taabashada birta, dabeysha qabow, iyo heerka cabbirka kulka ka dhaxeeya jidhka iyo nawaaxigiisa. Halista waxaa ay sii korodhaa marka wareegga dhiigga uu saameeyo cudur xagga wadnaha, khamri cabidda, daal, iyo/ama gaajo.

Waa maxay calaamaadka hypothermia?

  • Jareys aan la xukumi karin
  • Hadal tartiib ah ama aan la fahmaynin
  • Daal siyaado ah oo la dareemo
  • Socodka oo lagu dhaco
  • Wareer (qofka caadi uma fakiri karo)
  • Miyir-beel ama wax u dhow

Maxaan sameeya haddii uu qofi qabo hypothermia?

  • Haddii uu qof miyir beelo, sida ugu dhaqsiyo badan u raadi gargaar caafimaad. Haddii uu wadnaha istaago (wadne istaag), qof ha ugu yeero gargaarka caafimaadka kaddibna u samee CPR.
  • DIGNIIN: Si dhaqsiyo ah ha diirinin qofka.
  • Qofka gudaha soo geli ama meel aan dhedo iyo dabeylba lahayn.
  • Ka saar dharka qooyan waxaadna qofka ku dabooshaa bustooyin qalalan. Hubi in madaxa, gacmaha, iyo cagahu ay daboolan yihiin.
  • Waxaad qofka dul saartaa jiimbaar ama sariir ku dhow kuleeliye diiran – aan kululeyn.
  • Gogosha hoosteeda la gal qofka si kulka jidhkaaga uu ugu gudbo. Haddii ay suuragal tahay, qof kale ha seexdo dhinaca kale.
  • Waxaad qofka siisaa maraq diiran—aan kululeyn --. Ha siinin khamriga.
  • Dhallaanka waxaad dhex gelisaa dharkaaga gudihiisa si uu jidhkiinna isu taabto.

Sideen uga hortagi karaa hypothermia?

  • Waxaad gashataa dhar ku diiriya, kuuna xira gacmaha iyo cagaha (ka fogow waxyaabaha gacmaha lagu xidho ee kuugu dheggan, sigisyada, iyo kabaha).
  • Waxaad gashataa koofiyad diirran. Tani waa qaasatan muhiim maadaama kuleyl badani uu ka baxo madaxa aan xirnayn.
  • Haddii ay suuragal tahay, dhar qalalan ku beddelo marka uu dharka kaa qoymo.
  • Raadso meel habboon ee ku diirisa.

Updated: Tuesday, July 11, 2006 at 01:56 PM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.