King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Click here to email us

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Disaster response » Waa maxaan sameeyaa haddii korontadu iga tagto?

Disaster response (in Somali language)
Waa maxaan sameeyaa haddii korontadu iga tagto?

gray bullet

Waa maxay koronto tagis?

gray bullet

Maxaan sameeyaa haddii ay korontada tagto?

gray bullet

Maxaan sameeysaa marka aad xaafaddaada ku aragto xarig koronto ee ay waxyeello gaareen?

gray bullet

Maxaad sameynaysaa si aad uga badbaadiso qalabkaaga korontada ku shaqeeya xawliga korontada ay ku soo noqonayso?

gray bullet

Maxaan ka sameeynaa dadka istimaala qalabka taageerada nolosha ee aqalka jooga?

gray bullet

Sideen u isticmaalaa matoorka korontada?

gray bullet

Imisa ayeey cunnada qaboojiyaha ku jidha ay qabow ahaan kartaa si aan uga badbaado cudurrada raashinka ka dhasha?


Waa maxay koronto tagis?

"Koronto tagista" waa xilliyada adeegga korontada uu saameeyey waxyeello soo gaaray xargaha korontada ama saldhigyada iyadoo ay ugu wacan tahay dabeylo, daadad, dhul-dhaqaaq, dhul-gariir, iyo wixii la mid ah. Marka ay jidho xilli dhibaato, korontada waxaa ay maqnaan kartaa maalmo am asbuucyo. Waa muhiim in hore loo qorsheystaa suuragalka in korontada ay tagto. Ogsoonow halka ay ku jiraan karbuunada (tooshka) iyo qalabka kale.

Maxaan sameeyaa haddii ay korontada tagto?

  • Eeg sanduuq fayuusyada haddi uu jiro fayuus gubtay ama xiriiriye kala go’an. Mararka qaarkood koronto la’aanta waxaa ay ku koobnaan kartaa aqalkaaga.

  • Haddii aad ogaato in fayuuska ama xiriiryaha ay tahay in la beddelo, demi dhammaan alaabta weyn ee korontada ku shaqeeya ama korontada ka saar inta aadan beddelin fayuuska ama xiriiriyaha si aad uga badbaadaa dhibaato soo gaarto qaabka korontada.

  • Eeg deriska haddii ay korontada ka maqan tahay.

  • Wac si aad u wargeliso in korontada kaa maqan tahay. Mar keliya wac si dadka kalena ay u wacaan.

    • Dadka deggan agagaarka Seattle, ka waca taleefanka degdegga Seattle City Light Power Outage Hotline:
      206-
      684-7400 .

    • Dadka deggan meelaha kale ee King County, ka wac waca Dayactirka Korontada Puget Sound iyo Koronto Tagista (Puget Sound Energy Repairs and Power Outage)  1-800-321-4123 .

  • Xaaladaha daran marka ay dhacaan, filo in korontada ay maalmo maqnaato. Haddii ay sidaa dhacdo, waxaad tixgelisaa in aad tagto hoyga dadweynaha ama aqalka asaxabtaada halkaasoo aad ka helayso kuleyl iyo korontoba.

  • DIGNIIN: Marna gudaha ha u isticmaalin dhuxul, gas, ama kuleyliyaha propane-ka ku shaqeeya.  Haddii aad sidaa yeeshid waxaa ka dhalan kara carbon monoxide in aad ku sumawdid.  Waxyaabahani waxaa ay siyaadin karaan halista dabka.  

Maxaan sameeysaa marka aad xaafaddaada ku aragto xarig koronto ee ay waxyeello gaareen?

  • Ha u dhawaanin xargaha (fiilooyinka) soo dhacay.

  • Wac shirkadda korontada adigoo u sheegaya dhibaatada.

Maxaad sameynaysaa si aad uga badbaadiso qalabkaaga korontada ku shaqeeya xawliga korontada ay ku soo noqonayso?

  • Mararka qaarkood marka korontada soo noqoto, heerka korontada aad ayeey u kala duwanaan kartaa. Isbeddelkani qalabkaaga ayuu waxyeellayn karaa.

  • Nalalka iyo qalabka korontada wada dami aan ka ahayn qaboojiya (finjiteerka).

  • Kaddib marka aad korontada wada damisid, halka dambe aad oo shid hal nal oo keliya si aad u ogaato in ay korontadu soo noqotay.

  • Waxaad sugtaa ugu yaraa 15 daqiiqadood inta aadan shidin qalabka korontada kaddib marka ay korontadu soo noqoto.

Maxaan ka sameeynaa dadka istimaala qalabka taageerada nolosha ee aqalka jooga?

  • Dadka isticmaala qalabka korontada si ay ku daweeyaan caafimaadkooda waa in ay qorshe hore u yeeshaan koronto tagista.

  • Kiisaska qaarkood, tani waxay macnaheedu noqon kartaa in ay soo iibsadaa matoor dib korontada u dhaliya sida jeneraytor ama in ay tagaan xarun caafimaad si ay koronto u helaan.

  • Dadka isticmaala qalabka taageerada nolosha waa in ay ka diiwaan gashan yihiin qaybta korontada ee xaafadda. Marka ay sidani yeelaan, qaybta korontada muhiimad sare ayeey siinayaan dayactirka iyo dib u soo celinta korontada.

Sideen u isticmaalaa matoorka korontada?

  • Badbaadadaada aawadeed, marwalba raac tilmaamaha shirkadda marka aad isticmaalaysid matoorka.

  • Maadaama matoorrada badankood ay ku socdaa shidaal oo dhalin kara gaaska carbon monoxide, dibedda gee si aan qaaca loogu bukan.

  • Matoorrada ma aha in marnaba lagu rakibaa xarunta korontada aqalka maadaama ay tani u keeni karto dhaawac halis ah amaba dhimasho shaqaalaha korontada ku hawlan soo celinta korontada.

  • Waxaad matoorka toos ugu xirtaa qalabka aad doonaysid in aad isticmaasho xilliga ay korontada maqan tahay.

Imisa ayeey cunnada qaboojiyaha ku jidha ay qabow ahaan kartaa si aan uga badbaado cudurrada raashinka ka dhasha?

  • Waa muhiim in albaabada qaboojiyaha ay xirnaadaan si hawada aysan uga bixin.

  • Qaboojiyaha aad u buuxa waxaa uu cunnada cusayb (fresh) ku hayn karaa illaa lix saacadood.

  • Qaboojiyaha aad u buuxa waxaa uu cunnada qabow ku hayn karaa illaa labo cisho.

  • Haddii cunnada ku jidha qaboojiyaha ay ka kullaato 41ºF, iska tuur.
Adobe Acrobat Reader icon Click here for power outage information in Somali language.

Updated: Wednesday, December 20, 2006 at 05:07 PM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us. Because of confidentiality concerns, questions regarding client health issues cannot be responded to by e-mail. Click here for the Notice of Privacy Practices. For more information, contact the Public Health Privacy Office at 206-205-5975.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.