King County Navigation Bar (text navigation at bottom)
Public Health - Seattle & King County
Site Directory

Public Health Webpage Directory

Public Health Center & Office Locations

For Care Providers

Health Advisories & Resources

For Educators

Health Educators Toolbox

About Us

History & Profile

Jobs

Employee Directory

Contact Us

Public Health
Seattle & King County
401 5th Ave., Suite 1300
Seattle, WA 98104

Phone: 206-296-4600
TTY Relay: 711

Click here to email us

Subscribe to Free Email Alerts!

Click here to learn more

magnifying glass Advanced Search
Search Tips
Home » Disaster response » Nadiifinta mariinnada qashinka daata

Disaster Response
Nadiifinta mariinnada qashinka daata

Nadiifinta qashinka gudaha ku daata waa muhiim si dadka looga badbaadiyo – qaasatan carruurta yar – baktiiryada iyo fayruska dhibaatada leh. Nadiifinta waa in ay billaabataa sida ugu dhakhsiya badan si loo yareeyo halista ka imaan karta u dhawaashada qashinka.

Tilmaamaha nadiifinta:

gray bullet Carruurta iyo xayawaanka yar ka fogee goobta illaa aad ka dhammeystirtid nadaafadda.
gray bullet Gasho galoofiska iyo kabaha goommaha ka sameysan. Isticmaal waxyaabo aad indhahaaga ku badbaadiso.
gray bullet Kaddib marka aad nadaafadda dhammeysid, gacmahaaga si fiican u dhaq dharkana gooni u dhaq.
gray bullet Goobta ka dhaqaaji alaabta guriga, katiifadaha.
gray bullet Kaarbatyada darbi-ka-darbi gaara (iyo dhajiyaha hoosta kaga jira ) caadiyan si fiican looma nadiifin karo. Waa in la qaadaa, bac lagu wareejiyaa, lana geeyaa saldhig wareejin ama meelaha lagu daadiyo qashinka cusbitaallada. Haddii aad go’aansato in aad haysato kaarbedka, waxaad lacag kula heshiisaa shirkad kaarbadka nadiifisa si ay dhaqaan oo una nadiifiyaan kaarbadka.
gray bullet Dhammaan meelaha adagi, sida bacda dhulka saaran, alwaaxda dhulka la dhigo, shubka, alwaaxda la farsameeyey, alwaaxda, alaabta birta ka sameysan, iyo wixii la mid ah waa in si fiican loo nadiifiyaa iyadoo la isticmaalayo biyo kulu iyo oomo (oomada saxuunta lagu dhaqo), kaddibna lagu dhaqaa hal gaallan biyo lagu qasay qaado warakiino aan caraf lahay. Kaddibna dusha ha ka qalasho.
gray bullet Kuraasta iyo alaabta dharku uu ku tolan yahay, kadiifadaha qaadma, teendhooyinka, iyo wixii la mid ah waa in la geeyaa goobo ku takhasusay nadiifintooda. Dhibaatada la socodsii nadiifiyaha.
gray bullet Ka qaad oo beddel balasterka ( plaster), alwaaxa balasterka ka sameysan (plasterboard), iyo saqafyada qoymey oo jilcan goorta la taabto. Haddii ay dusha sare ka qooyan tahay, u nadiifi sida aad u nadiifin lahayd meelaha adag, balse ha qoynin balastarka (plaster.)
gray bullet Nadiifi barkadaha, mashiinnada saxuunta lagu dhaqo, iyo dhuumanka xirma adigoo oomo isticmaalaya, kaddibna ku dhaq biyaha warankiinada leh.
gray bullet Alaabta guriga lagu nadiifiyo sida jawaannada, xaaqinnada iyo buraashyada ku dhaq biyaha warakiinada leh.
gray bullet Ka hortag halaabidda alaabta urtana uga hortag adigoo dabeysha u fura – fur dhammaan daaqadaha iyo albaabada. Isticmaalka faanska dabeysha dhaliya iyo kulayliso ayaa dedejin kara hawsha.
gray bullet Waad nadiifin kartaa cunnada gasacadaysan ee nadiifka ah:
1. Calaamadaha ka fuji
2. Ku dhaq burashka wax lagu xoqo iyo biyo oomo leh (isticmaal gasacyada aad dhaqday sida ugu dhaqsiyo badan maadaama ay daxalladaysanayaan)
3. Biyo nadiif ah ku dhaq
4. Nadiifi adigoo:
  • Isticmaalaya biyo aad karkarisa 10 daqiiqadood. (Ha karkarin gasacyada cabitaanka uu ku jiro), ama,
  • Dhexgeliya gasacyada muddo 15 daqiiqadood weel ay ku jiraan biyaha warakiinada leh
5. Ku calaamee adigoo isticmaalaya calaameeyaha ama qalimada loogu talagalay
gray bullet Daadi
  • Cunnada daboolan
  • Cunnada aqalka lagu daboolay
  • Cunnada lagu daboolay warqadaha
  • Cunnada aan daboolka lahayn sida faakihaadka (faruutka), bataatiga, khudradda

Updated: Thursday, May 11, 2006 at 12:07 AM

All information is general in nature and is not intended to be used as a substitute for appropriate professional advice. For more information please call 206-296-4600 (voice) or TTY Relay: 711. Mailing address: ATTN: Communications Team, Public Health - Seattle & King County, 401 5th Ave., Suite 1300, Seattle, WA 98104 or click here to email us.

King County | Public Health | News | Services | Comments | Search

Links to external sites do not constitute endorsements by King County.
By visiting this and other King County web pages, you expressly agree to be bound by terms
and conditions of the site. The details.